Jabhadda ONLF Oo Xildhibaanno Iyo Saraakiil Caana Ku Eedeysay Gacan Gelinta Qalbi Dhagax ?

Afhayeenka Jabhada ONLF Cabdiqadir Sheekh Xasan Hirmooge (Cadaani) oo u warramayay  Mid ka mid ah  Idaacadaha maxaaliga ah ayaa ku eedeeyay Saraakiil iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya in ay ka dambeeyeen  arrinta ku aadan in Ethiopia lagu wareejiyo Sarkaal ka tirsanaa Jabhaddaasi oo lagu Magacaabo Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Mr Cadaani ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow  iyo Sareeye Guud Bashiir Maxamed  Jaamac ( Bashiir  Goobo) ay ka dambeeyeen in loo gacan galiyo Ethiopia Sarkaalkaas Soomaaliyeed ee Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in Masuuliyiinta dowladda ay ku shir qooleen arrinta  Sarkaalkaas oo ay garwadeen ka ahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Mustaf  Sheekh Cali Dhuxulow ayaa lagu tiriyaa Siyaasiyiinta Galaangalka ku dhex leh dowladda Ethiopia, lagana far muuqo Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya gudihiisa.

Waxaana eedeymaha Afhayeenka ONLF Cabdiqadir Sheekh Xasan Hirmooge (Cadaani) ku soo beegmeysaa, xilli inta badan Warbaahinta iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed hadal haayeen in dowladda Soomaaliya lagu shir qoolay arrinta Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Hase ahaatee waxaa laga dhur sugi doonaa Tallaabada xigta ee Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Sarreeye Guud Bashiir Goobo ay ka qaadan doonto, kuwaas oo haatan Xasaanad ku dhex leh dowladda dhexdeeda, xilli lagu eedeeyay Fadeexadaas sida weyn loo hadal haayo ee ay dhex joojiyaan dowladda Soomaaliay Taageero baaxad leh ka heysata shacabka Soomaaliyeed.

Masuuliiyiinta la eedeyay oo  aan  xariir  la sameeynay  qaarkoood , si aay  ugu jawaabaan dhankooda  edyenta loo jeediyay ayaa ka jawaabi  waayay  , telefanadooda.