Goorta Rasmiga Ah Ee Dib Loogu Celinayo Doorashada Dalka Kenya Oo Lagu Dhawaaqay

Guddiga doorashada madaxa banaan ee dalka Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xilliga dhabta ah ee lagu celin doono doorashada dalkaas.

Dhawaan ayeey ahayd markii maxkamadda sare ee dalkaas xukuntay in ay waxba kama jiraan tahay doorashadii ka dhacday dalkaas, maadaama uu qaadacay hoggaamiyaha mucaaradka mudane Raila Odinga.

Madaxwaynaha dhawaan la doortay ee Uhurru Kenyatta ayaa isna oggolaaday go;’aanka maxkamadda isagoona sheegay in uu oggolyahay dhammaan waxyaabaha quseeya arrinta dib ugu celin doorashadaas.

17-ka bisha soo aaddan ee October ayaa la qaban doonaa, waxaana markale ay fursad u helayaan murashixiinta in ay muujiyaan dareenkooda ayna la hadlaan dadka shacabka ah si ay markale ugu codeeyaan.