Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo la waayay Murashax iska diiwaan giliya Iyo Sababta oo la ogaaday?

Abuukar Xasan Cali Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle oo la hadlay  Warbaahinta ayaa sheegay in uusan ilaa hadda Murashax Madaxweyne oo iska diiwaan gilin Xarunta Gudiga ee ku taalla magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Waqtiga loo balansan yahay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku beegan 14 Bishaan oo ay ka dhimantahay 10 maalmood oo kaliya ayaa gudiga doorashada waxay sheegayaan in uusan jirin ilaa hada murashax iska diiwaan giliyay tartanka loo galayo Madaxtinimada Maamulkaasi Hirshabeelle kadib markii xilka laga qaaday  Cosoble.

Abuukar Xasan Cali Maqaneey Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Murashaxiin Boorar ku dhagsaday Magaalada Jowhar balse ilaa iyo  hada aan iska diiwaan gilinta Xarunta gudiga.

Ugu danbeyntii gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhamaan Murashaxiinta in ay si deg deg ah isku diiwaan giliyaan mudada yar ee ka harsan waqtiga doorashada si loogu helo waqti lagu aqriyo Documents-kooda in uu raacsan yahay Sharuudaha doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.