War Deg deg ah: Al-shabaab oo La Wareegay Deegaan Caana oo Ka Mid ah Jubbaland

Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Kooxda Al-shabaab in ay si buuxda halkaas ula wareegeen.

Al-shaabab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Maamulka Jubba-land, iyo kuwa Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Buula Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo,waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Al-shabaab  ay dagaalka Buula Guduud ku qabsadeen sedax gaari iyo saanado melleteri

“Al-shabaab ayaa dagaal kula wareegeen deegaanka Buula Gaduud, dhimasho badan ayaa jirta, seddax gaari oo Tiknika ahna waa la qabsaday”.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay isku fidiyeen Buula Guduud iyo deegaanada hoos yimaad.

Deegaanka Buula Guduud waxaa bilo ka hor qabsaday ciidamo isugu jira Mareykan, Itoobiyaan, kenyaan iyo soomaali balse 30-kii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ku sugnaa ciidamo katirsan maamulka Jubba-land.

Ila ahaatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Jubba-land oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay deegaanka Buula Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada Hoose.