Odayaasha Beelaha Hawiye Oo Si Aan La Fileyn Kaga Hadlay Arrinta Qalbi Dhagax

Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Iyo saaxiibkiisa MAxamed Xasan Xaad ayaa si aan la fileyn kaga hadlay arrinta qalbi dhagax oo Itoobiya loo dhiibay.

Shaaciye.com ayaa la xiriirtay Maxamed Xasan Xaad, waxaana uu u sheegay in ay tahay in laga aamuso arrintaas, maadaama ay tahay mid madaxda u gaar ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in dawladda ay lacago siisay siyaasiyiin ay kamid yihiin Salaad Cali Jeelle, Axmed Diiriye iyo Maxamed Xasan Xaad, ayna uga baahan in ay difaacaan dawladda, mar haddii ay arrinta faraha kasii baxeyso.