Min Billoow Illaa Dhammaad Akhriso Siyaasiyiinta Ku Lugyeeshay Fadeexadii Lagu Dhiibay Halgamaa Qalbi Dhagax!

Arrinta Qalbi Dhagax Waxa ay ahayd dhacdo xasaasi ah oo SOomaaliya oo idil gilgishay, waxaa jira siyaasiyiin badan oo Soomaali ah ayaa ku lug yeeshay arrintaas, waxaana sida warar hoose ay sheegayaan.

HAddaba waxaan idin soo gudbineynaa qaar kamid ah siyaasiyiinta ku lugyeeshay arrintii gudbinta qalbi dhagax ee gacanta loogu geliyay dawladda Ethiopia.

Taliyaha Nabad sugidda qaranka; Sanbaloosha ayaa ahaa mid kamid ah dadkii lala soo xiriiray arrintaas, islamarkaana u diray taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John), oo isna ahaa qofkii la socday arrinta Qalbi Dhagax markii laga soo qabanayay Gaalkacyo.

Ilkacase oo kamid ah saraakiisha dawladda ayaa keenay Cadaado, oo uu Saadaq John dhanka Muqdisho ugu gudbiyay.

Markii uu yimid Muqdisho waxaa lagu wareejiyay Bashiir Goobbe oo isna qayb ka ah dadkii ku luglahaa fadeexadii lagu Qalbi Dhagax.

Wasiirka Arrimaha dibadda Ethiopia Workneh Gebeyehu ayaa lasoo xiriiray safaaradda dalkaas ee Muqdisho, kaddibna waxa ay wada hadleen safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, waxaa xigay wada hadal  dhex maray Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Ethiopia, kuwaas oo kawada hadlay arrinta Qalbi Dhagax.

Madaxda Soomaaliya sida aan xogta ku heleyno ilaa intaas kama helin wax war ah, ama door muuqda kuma lahayn, hasa yeeshee waxaa la sheegay in wixii intaas kadambeeyay Farmaajo iyo Kheyrre tagtay arrinta, kaddibna iyaga ay qaateen go’aanka.

Markii uu Farmaajo oggolaaday waxaa xilli habeen ah loo galbiyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana safarkaas ku wehliyay Yuusuf Garaad Cumar wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Warar kale ayaa sheegaya in Mustaf Dhuxuloow uu qayb ka ahaa safarka Baydhabo ee lagu galbinayay, weli se ma caddeyn karno wararka sidaas sheegaya.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo ganacsato kale oo ku luglahaa arrinkaas, balse dib ayaan idinku soo gudbin doonaa haddii uu rabbi Qaddaro.

Waxaa Qoray Oo xogtan isku soo aruuriyay Xuseen Madoobe oo ah agaasimaha Shaaciye.com