Maxay Dalbadeen Xaaska Iyo Gabadha Qalbi Dhagax?

Marwo Khadro Maxamed Cabdi  oo ah xaaska C/kariin Qalbi Dhagax iyo Fartuun C/kariin Muuse ayaa markale fariin u diray Madaxwayne Farmaajo, waxaana ay ka codsadeen in uu war sax ah kasoo saaro arrinta Qalbi Dhagax.

Sidoo kale gabadha uu dhalay ayaa iyana la hadashay warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in ay ugu war dambeysay xilli hore kahor inta aan la xirin aabbaheeda.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jirta codsiyo kala duwan oo dadka caanka ah ka imaanaya taas oo laga dalbanayay in la xaqiijiyo halka ay mareyso xaaladda Qalbi Dhagax.