Wararka ka imaanaya Suuq Bacaad oo ah , suuqa labaad ee Ugu weyn Magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba Somalia, ayaa sheegaya in dab xooggan uu halkaasi ka kacay.
Dabka ayaa qabsaday qeybta dharka lagu iibiyo, ka dibna waxaa uu ku faafay qeybaha kale ee Suuqa Sida Qeybaha kabaha iyo Sarifka.
Wariyaal goobta Joogga ayaa sheegaya in dabku uu xilli kaste uu sii xoogeysanaayo waxaana goobtaasi gaaray gawaari dab damis ah.
Dabka ayaa hadda socda Muddo ku dhan 40 Daqiiqo’ ilaa iyo hadda lama ogga waxyaabaha Sababay dabka .
Waxii kusoo kordha kala soco Shaaciye.com