Nin Cinwaankiisa Twitterka Looga Xirtay Kaneeco Darteed (Sheeko Cajiib Ah)

Nin ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter ee dalka Japan ayaa laga mamnuucay in uu isticmaalo bartani bulshada ka dib markii uu ku hanjabay in uu dilayo kaneeco.

Qofka oo waxyaabo aflagaado ah ku soo qora barta Twitter ayaa mararka qaar laga mamnuucaa isticmaalka bartaasi.

Balse go’aanka xannibida cinwaanka @nemuismywife looga xannibay in uu kaneeco u hanjabay ayaa soo jiidatay dad badan oo isticmaala baraha bulshada.

Arrintan ayaa bilaabatay 20 August ka dib markii ay dhowr jeer qaniintay Kaneeco isaga oo daawanayay talefishan .

Markii uu dilay kaneecadii ayaa waxa uu bartiisa Twitterka ku soo qoray “Halkeed ula baxsanaysaa qaniiyadeyda aniga oo iska nasanaya oo TV-ga iska daawanaya ? dhimo! (xaqiiqadiina mar hore ayaad ba dhimatay).”

Kaneecadii uu dilay