Maanta Oo kale Maxay Alshabaab Xusuus Ahaan Kaga Dhigan Tahay? (Sheeko Buuxda)

Dhammaadkii August 2014-kii, Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la fulin doono hawl gal ka dhan ah argigixisada, kaas oo ka bilaabanaya gobolka Geeska Afrika.

1-September 2014-kii diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka MAreykan ka ayaa duqeyn ka geystay qaybo kamid ah dhulka Soomaalida, gaar ahaan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose Koonfurta Soomaaliya.

Duqeyntaas waxaa lagu dilay, mid kamid ah udub dhaxaadyadii Alshabaab, aas aasayaashii iyo jiheeyayaashii ururkaas, waana Axmed Aw Cabdi Godane oo Alshabaab dhexdooda looga yaqaano Mukhtar Abu Zubeir.

Intaas wixii ka dambeyay, iyadoon la xaqiijin dhimashada dhimashada Godane, maanta oo kale 2 September 2014, al-Shabaab ayaa xaqiijisay in mid kamid ah laba gaari oo uu la socday Godane lagu duqeeyay duleedka Baraawe, islamarkaana uu ku dhacay gantaalka caanka ah ee AGM-114  oo lagu farsameeyo Mareykan ka.

Durba Alshabaab ma xaqiijin dhimashada Amiirkooda, balse 5 September 2014, Pentagon Mareykan ka ayaa sheegay in ay dileen amiirkii Alshabaab Axmed Aw Cabdi Muxumad Godane, xilli lagu sugnaa magaalada Wales oo lagu qabanayay shirka sannadlaha ah ee ay u fadhiistaan waddamada ku bahoobay NATO.

24-saacadood kaddib, ururka Alshabaab ayaa ku dhawaaqay in uu geeriyooday AUN Amiirkoodii Axmed Godane oo ku dhintay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyayaasha lahayn ee Drons-ka.

Isla wakhtigaas ayeey ku dhawaaqeen in Axmed Cumar oo Alshabaab dhexdooda looga yaqaano Abu Cubeyd yahay mas’uulka amiirka u noqon doona ururkaas, mar haddii uu booska ka baxay Godane.

Dawladdii xilligaas ee SOomaaliyaa ayaa dalab 45 cisho ah u dirtay saraakiisha kale ee Alshabaab islamarkaana ku haray kooxdaas in ay isku soo dhiibaan, loona fidin doono cafis qaran; balse cidna uma dhagtaagin oo hawshooda ayeey iska wateen.

Maanta oo kale saddex gu’ kahor, dunida oo idil ayaa hadal heysay in kooxda Alshabaab ayaa ciribtirmi karto la’aanta Godane, maadaama uu ahaa qof aad u waxbadan uga baddalay ururkaas.

Sida muuqata isbaddal xooggan kuma imaan saddex sano kaddib dhimashadii Godane, hasa yeeshee waxaa jira in weli habacsanaan badan oo Maleyshiyada Alshabaab ka dhex jirta.