Maamulka Hiiraan oo sheegay in ay ka tashadeen dowladda Dhexe

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan  Cumar Aadan “Cumar Baadiyow” Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in dadka kunool gobolka Hiiraan ay ka tashadeen maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Baadiyow ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle la burburiyay, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay arintaasi ay ka dambeysay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in reer Hiiraan ay dhisteen maamul uu Madaxweyne ka yahay Cali Cabdullaahi Cosoble oo ay xilka ka qaadeen Xildhibaanada Hirshabeelle.

Dowladda Dhexe ayuu sidoo kale tilmaamay in ay jabisay dastuurka.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo dhawaan gaaray Magaalada Baledweyne ayaa ku guulestay in uu halkaasi ka dhiso maamul cusub oo ka madaxbanaan Hirshabeelle.

Cosoble ayaa wali Aaminsan in uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Hirshabeelle, islamarkaana xilka ka qaadistii lagu sameeyay ay sharci daro aheyd.