Halkee Baa La Geeyay Qalbi Dhagax? ONLF Oo Markale Ka Hadashay Halka Uu Ku Sugan Yahay Hoggaamiyahoodii

Jabhada ONLF ayaa mar kale ka hadashay halka ay iminka dowlada Ethiopia ku heyso Sargaalka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Cabdiqadir Sheekh Xasan Hirmooge ”Cadaani” oo ah Afhayeenka jabhada ONLF, ayaa sheegay in Qalbi Dhagax lagu hayo Xarunta weyn ee Sirdoonka Ethiopia.

Afhayeenka waxa uu sheegay in goobta uu ku jiro Qalbi Dhagax ay Saldhig gaara u tahay Xubnaha ka tirsan ONLF ee gala gacanta Ethiopia.

Waxa uu tilmaamay in halkaasi ay horay ugu sii jireen Saraakiil kale oo ka tirsan Jabhada kuwaa oo siyaabo kala duwan loogu gacangaliyay dowlada Ethiopia.

Afhayeenka waxa uu cadeeyay in sababta Qalbi Dhagax loo geeyay Xarunta Sirdoonka Ethiopia ay tahay in halkaa lagu weydiiyo su’aalo.

Waxa uu intaa raaciyay Afhayeenka in go’aankii Qalbi Dhagax uu ahaa la dagaalanka Ethiopia oo uu ka aaminsan yahay dowlad dhibaato ku heysa Shacabka Ogadenia.

Waxa uu mas’uuliyada xariga Qalbi Dhagax dusha ka saaray 4 xubnood oo katirsan DFS, iyadoo hore war saxaafadeed ay soo saartey ONLF loogaga hadlay wareejintaas.

Dhinaca kale, Sargaalka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayuu u rajeeyay wanaag, waxa uuna ku celcelshay in dhibaatada loo geysta Qalbi Dhagax ay kula xisaabtami doonaan DFS.