FIIRSO Sawirrada Alshabaab Oo Soo Bandhigay Diyaaradaha Aan Duuliyayaasha Wadin Ee Drons-ka

Fagaaraha ay ugu magac Dareen Aadan Xaashi Cayrrow ee magaalada Jillib, Alshabaab ayaa kusoo bandhigay halkaas Diyaarado nooca aan duuliyayaasha wadin ee loo yaqaano Drons-ka.

Diyaaradahan ayaa ah kuwa sawirrada qaada, waxaana ay kor ka duubayeen salaaddii Ciidda ee lagu tuktay magaalada Jillib ee gobolka Jubbada Hoose.

Haween ku labbisan Jalbbaabo lagu xardhay astaan tawxiidka, caruur madaxda loosoo duubay, dhallinyaro labbisan, iyo odayaal duub wayn ayaa goobta kasoo muuqday, si ay u gutaan waajibka Ciidda,

Mas’uuliyiin Alshabaab ah ayaa halkaas khudbado ka jeediyay, waxaana lasoo bandhigay diyaaraddaas Drons-ka ee ku addan dhanka sawirrka.

HAddaba Hoos Ka daawo Sawirrada Ciidda Iyo Jamaamme.