Farmaajo Iyo Kheyre Oo Itoobiya Ka Baryay Xeelad Lagu Damin Karo Xamaasada Shacabka Soomaaliyeed.

Warar saacadihii u danbeeyay soo kordhayay oo tilmaamayay in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay culeys ku saarayeen dowladda Itoobiya inay soo saarto warsaxaafadeed ay ku sheegeyso in C/kariin Qalbi Dhagax iskiis isku dhiibay heshiisna dhex maray dowlada Itoobiya, dowladda Soomaaliyeed ay fududeysay oo kaliya.

Arrintaasi ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan Mahad Salaad oo ayaa arrintaasi si cad u kafishay isla markaana dhowr su’aal ka keenay qalqaalada ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ugu jiraan in Itoobiya xiisada shacabka Soomaaliyeed ku damiso warsaxaafadeedkaasi si eedeymaha madaxda dowladda meesha ugu baxdo.

Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay bartiisa baraha bulshada ee Facebook ayaa sidaan u qornaa:.

MUDANE MADAXWEYNE IYO MUDANE RA’IISUL WASAARE Soomaalidu waa ka gudubtay xiligii dacaayadaha lagu marin habaabin jiray!

Waxaa igu maqaalo ah shalay ilaa maanta in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu ka baryayeen Dowlada Itoobiya inay soo saarto warsaxaafadeed ay ku sheegayso in Abdikariim Qalbi Dhagax isku soo dhiibay heshiis dhex maray isaga iyo Dowlada Itoobiya. Dowlada Soomaaliyana ay fududeysay oo kaliya! Hadaba waxaa iga su’aal ah:

1. Abdikariim Qalbi Dhagax 3 sano ayuu joogay Mogadishu ee muxuu iskugu dhiibi waayay Dowlada Itoobiya?!

2. Abdikariim Qalbi Dhagax hadii uu xor ahaa maxay Gaalkacyo uga soo afduubteen oo isagu rabitaankiisa ugu imaan waayay Magaalada Mogadishu oo markii hore uu ka tagay, rabitaan kiisana uga bixi waayay?!

3. Abdikariim Qalbi Dhagax haduu xor ahaa isaga rabitaan kiisana isku dhiibay maxay uga diideen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, mas’uuliyiintii ugu tagay ee ka codsaday inay soo arkaan, ayna kamidka ahaayeen: Gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Xaashi Abdullahi, Senator Ahmed Xaashi Mohamud iyo Xildhibaan hore Mohamed Abdi Yusuf?!

4. Wareysigii Wasiirka Warfaafinta Itoobiya shalay siiyay VOA wuxuu ku sheegay in ninkaas oo katirsan “Urur Argagixiso ah” ay usoo gacan gelisay Dowlada Soomaaliya. Hadii rabitaankiisa uu isku soo dhiibay Qalbi Dhagax muxuu Wasiirku u sheegi waayay shalay?!

5. Ururkii uu ka tirsanaa Abdikariim Qalbi Dhagax waxay sheegeen in Dowlada Soomaaliya soo afduubtay si xoog ahna ugu dhiibtay Dowlada Itoobiya. Hadii sheegashada ONLF midka gedisan Dowlada Soomaaliya heyso maxay mar hore ula wadaagi weysay Umadda Soomaaliyeed?!

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ka rajeynaynaa inay Umadda Soomaaliyeed ee xadgudubta lagula kacay Qalbi Dhagax ay taabatay la wadaagaan jawaabaha su’alahaan iyo kuwa kale oo badan ee Dadka Soomaaliyeed isweydiinayaan!