650; Shaqaale oo dacaayad & Xayeysiis u sameynaya Xukuumadda Soomaliya!

Shaqaalaha jooga gudaha oo aynaan helin tiradooda dhabta ah waxa ay mushaar ahaan u qaadanayaan bil walba $300.00, halka kuwa dibadda jooga uu mushaarkoodu u dhexeeyo $1000-1500.00, oo dollar.

Shaqaalaha qaarkood ayaa ka baxaya ama kaba tegaya shaqadii loo diray ee ahayd in ay ka shaqeeyaan Facebook si ay u difaacaan xarumahan, sababtu waa in lacagtii mushaarka loogu sheegay ayaan u soo gaarin sidii loola heshiiyey, iyada oo qaarkood loo sheegay in lacagta laga yareynayo maaddaama ay shaqadan qaban karaan iyaga oo aan soo xaadirin xafiis ama jooga guryahooda iyo goobahooda shaqada

Xarumaha Raadiyaha iyo telefeshinka

Suxufiyiinta ka shaqeeya xarumaha Raadiyaha iyo telefeshinka ee magaalada Muqdisho ayay xafiisyada  Madaxtooyadaa, Raisalwasaaraha iyo gobolka Banaadir; waxa ay si qarsoodi ah uga qorteen shaqaale kamid noqonaya kuwa ay rabaan in ay dacaayad iyo buunbuunin run iyo beenba u sameeyaan, islamarkaana weeraraan dhammaan dadka dhalliilaya ama soo jeedinaya aragti ka dhan ah go’aanada xarumahaas.

Xarumaha Raadiyaha qaarkood ayaa aqbalay shakaalidda iyo ku lugyeelashada xafiisyadan ee waxyaabaha ay baahinayaan (Media Censorship) iyaga oo taas beddelkeeda qaadanaya dhaqaale aanaan helin inta uu la eg yahay, taas oo ka dhigan in aanay baahineyn wax dhalliil ah oo ka dhan ah go’aan ama dhaqan ka yimid dhinaca xafiisyadaas islamarkaana aanay u ogaaleyn dhegeystayaashooda iyo dadka kalaba in ay dhalliilaan xafiisyadaas.

Waa maxay sababtu?

Howlwadeenka Madaxtooyada, Xafiiska Raisalwasaaraha iyo gobolka Banaadir; ayaa cabsi weyn ka qaba in warbaahinta noocyadeeda kala duwan oo kaalin weyn ka qaadatay ololihii iyo dhismihii xukuumadda, ay haddana ku lugyeelato mucaaradka iyo dhalliisha go’aanada xukuumadda, taas oo lagayaabo in ay hoos u dhigto kalsoonida ay shacabku ku qabaan xukuumadda iyo Madaxtooyada.

Ficilada ay illaa hadda ku kacday xukuumadda Soomaaliya oo shaqeyneysa  6; bilood ee falcelinta ka dhalatay ay sababtay hoos u dhaca kalsoonida dadweynaha ee xukuumadda waxaa kamid ah

Weeraradii ay ku dhinteen 17; qof oo ka dhacay Juubada Hoose iyo Shabeelaha hoose; kuwaas oo xukuumaddu kuu sheegtay in lagu dilay xubno kamid ah Al-shabaab; balse dhammaantood ay noqdeen shacab beeraley iyo xoolo dhaqato, inkasta oo  markii dambe ay xukuumaddu garowsatay.

Go’aankii U dhiibidda dowladda Itoobiya muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse; oo ka tirsanaa Jabhadda xoreynta gobolka Ogaadeeniya, kaas oo illaa hadda aanay xukuumadda Soomaaliya uga hadlin si rasmi ah.

Xigasho  Idaacada Mustaqbal