Imisa Kun Ayeey Heli Doonaa Qoyska Qof Kasta Oo Kamid Ah Dadkii Ku Waxyeeloobay Dhacdadii Bariirre?

Inkabadan 6-maalin oo aan la duugin dadka lagu laayay Bariirre ayaa ugu dambeyn maanta lagu aasay qubuuraha Barakaad ee duleedka magaalada Muqdisho.

Waxaase warar hoose ay sheegayaan in ay dawladda Soomaaliya bixin doonto lacag mag dhaw ah, taas oo loogu talagalay dadkii halkaas ku waxyeeloobay.

Sida aan wararka ku helayno qof kasta oo kamid ah dadkii ku waxyeeloobay dhacadaadas waxaa uu heli doonaa adduun lacageed gaaraysa $70,000 (Todobaatan Kun Oo Dollar).

Lacagtan ayaa ah boqol Halaad oo Geel ah, waxaana laga tusaalle qaatay Hal Neef oo geel ah taas oo qiimaheedu yahay $700, marka lagu  dhufto tirada dadka la laayay oo ah 10-waxa ay noqonaysaa $70,000 (Todobaatan Kun Oo Dollar).

$130- ayaa aas ahaan loo keenay maalinkii koobaad ee duugta dadkaas ku waxyeeloobay dhacdadii Bariirre, halka inta dhiman lacagahaasna la bixin doono saddex-da bil ee soo aaddan.

Wasiir Qoor-Qoor ayaa door muhiim ah ka geystay wada hadallada u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo qoyska ay kasoo jeedeen dadkii lagu laayay halkaas.

Si kastaba ha ahaatee haddii lacagahaas ay bixin wayddo Dawladda Soomaaliya waxaa jira dad damiintay, oo kamid ah beesha Habar Gidir, waanna idinla wadaagi doonaa shakhsiyaadka dammiinta dawladda haddii lacagaha diyada ah lagu bixin waayo wakhtigeeda.