FIIRSO Sawirrada Janaazadii Lagula Tuktay Dadkii Lagu Laayay Bariirre

Janaazo Wadareed ay kasoo qayb galeen dadyow aad u fara badan ayaa ka dhacay Isbitaalka Madino ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo sameeyay dadkii lagu laayay Bariirre.

Salaadda duhur ayaa goobta lagu tuktay, sidoo kale Janaazada ayaa loo ogolaaday in ay dadka ehelka ah iyo dhammaan dadkii goobta kusugnaa in ay kula tuktaan, kaddib waxaa loo qaaday dhammaantooda Qubuuraha Barakaad, marka laga reebo Hal qof oo isna ehelkiisa ay doorteen in lagu aaso dhanka iyo Tareeddishe.

Inta aan salaadda lagu tukan waxaa goobta yimid mas’uuliyiin dawladda kamid ah kuwaas oo laga xusi karo Wasiiir dawlaha Hawlaha guud iyo dib u dhiska Mudane Qoorqoor.

Haddaba Fiirso Sawirrada Janaazada