Lammaane Dilay Haweenay Si Ay Ilmaheeda U Qaataan (Sheeko Layaab Leh)

Lamaane ku sugan gobolka North Dakota ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay in ay dileen haweenay uur leh si ay u sheegtaan in ay ilmahaas iyagu dhaleen.

Savanna LaFontaine-Greywind oo 22 jir aha ayaa lahayd uur siddeed billood ah markii la waayay 19kii bishan Agoosto.

Maydkeeda ayaa Axadii laga helay wabiga North Dakota iyadoo bac ku duuduuban, sida uu ku warramay wargeyska Minneapolis Star Tribune.

Booliiska ayaa markii hore ku warramay in ay u malaynayaan in gabdha gurigeeda lagu dilay.

Haddase waxaa xabsiga lagu hayaa William Hoehn oo 32 jir ah iyo Brooke Crews oo 38 jir ah iyaga oo loo haysto dilka gabadhaas.

Xigasho:- BBC SOOMALI