FIIRSO:- Gaariga Ugu Cimriga Dheer Soomaaliya; Baabuurkii Ugu Horreeyay Ee Lagu Kaxeeyay AUN Maxamed Ibraahim Cigaal Oo Weli Hargeysa Yaala

Dhab ahaantii waa wax wanaagsan in la keydiyo waxyaabaha taariikhiga ah, ee dadka caanka ah ama madaxdu isticmaali jireen, si ay ugu gudubto jiilka dambe.


Gaariga ama baabuurka sawirkiisa aad u jeeddaan waa mid kamid ah gawaarrida ugu duqsan Soomaalida, sidoo kalena ahaa kii lagu galbiyay AUN Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Cigaal markii ugu horreeysay ee loo doortay madaxwaynaha Soomaaliland sannadkii 1993-kii.
Gaarigaan oo xiligaasi marxuum Cigaal oo lagu doortay shir weynihii ka dhacay dugsiga sare ee Sheekh Cali Jowhar lagu galbiyay markii loo doortay madaxweynaha Somaliland, laguna geeyay magaalada Hargeysa, waxaana ugu deeqay ganacsade reer Jabuuti ah oo lagu magacaabi jiray Khaliil Cabdi Muuse oo geeriyooday.
Gaarigan hadda wuxuu yaalla guriga AUN Khaliil Cabdi Muuse oo aha ganacsadihii ugu deeqay, waxaana dhaxal ahaan u helay mid kamid ah caruurtiisa, hasa yeeshee si taariikh ahaan ayuu guriga u dhigtay isagoo doonaya in uu baal dahab ah ka geliyo gaarigan sooyaalka Soomaalida.


HAddaba Fiirso Ama Daawo muuqaal laga sameeyay ama laga duubay Gaarigaas.