Dowlada federaalka oo dalaal Ethiobia noqotay

Record-ka xuquuqda aadanaha ee wadanka Ethiobia aad ayuu u hooseeyaa waxaana xabsiyada wadankaas kujiro tobanaan sano rag aan waligood maxkamad lasoo taagin ma jirto warbaahin xor ah oo ka hawl galo oo kasoo warami karo tacadiyada ka jiro wadankaasi

Nidaamka federaalka ah ee Ethiobia ka jiro waa mid awooda ay leedahay dowlada dhaxe oo ay maamulaan saraakiil Tikree ah oo iyaga ka sareeyo sharciga waana kalitalisnimo ku dhisan inay caburiyaan dhibaatada ka jirto dalkooda

Maamulada ka jiro wadanka Soomaaliya muddo dheer waxay ku shuqlanaayeen inay u gacan galiyaan rag ay doodoonayaan madaxda Ethiobia iyagoo aanan marna fiirinayn bal iuu qofkaasi heli karo xukun cadaalad ah waxayna eheyd arinka shacabka Soomaalida uuna raali ka ehayn balse madax xukunkooda ilaashato Ethiobia ku raali galiso

Dowlada dhexe ee federaalka mudada ay soo jirtay marna ma dhicin in ay Ethiobia u gacan galiso ragga ay iyadu raadinayso balse waa wax laga xumaado in xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya masuuliyad xumo heerkaas gaarsiisan la timaado iyadoo Ethiobia u geeysay nin wadanka Soomaaliya gudahiisa ay kasoo qabatay

Marna Dowlada federaalka ah kuma qasbanayn inay sidaasi yeesho, dowlada Soomaaliya waxay ku tumatay xaquuqda aadanaha waxayna Ethiobia kala shaqaynaysaa sidii ay tacadi hor leh u gaysanlahayd, ma garanayo waxa ay ku jawaabayaan hadii la waydiyo madaxda arinkaan ku kacday “Adinka miyaa balan qaadayo in Cabdi Kariim Muuse aanan jirdil loo geysanayn?”

Madaxda dowlada federaalka ah ee uu Farmaajo hogaamiyo iyagaa ka masuula waxa soo gaaro oo tacadi ah ninkaasi ay u dhiibeen dowlada Ethiobia waana masuuliyad xumo taariiikh madow ah oo raggii ka masuulka ahaa mudan in lagula xisaabtamo

Qore: Mahmud Buteeri

Northampton, UK

buteeri@facebook.com