DHAGEYSO: Farmaajo:-“Diyaar ayaan u Nahay Wada-hadal aan La Galno Siyaasiyiinta

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo) ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaliyeed in ay la yimaadaan Tanaasul si midnimadda dalka looga shaqeeyo wuxuuna tusaale usoo qaatay go’aankii uu qaatay xiligii uu Raisulwasaarihii Soomaliya ahaa.

“Xaqiiqatan Soomalida meel walba walba ay joogaan waxa ay rabaan Midnimo, dalkaan ma kala go’ayo, siyaasiyiinta ma rabaan In dalkaan la kala gooyo,waxaa loo baahan yahay in laga shaqeeyo midnimadda umadda Soomaliyaeed, waxaa loogu baahana siyaasiyiinta in ay la yimaadaan isbadal dhab ah, aniga oo raisulwasaare ah ayaa xilkii ka tanasulay iyadoo laygu cadaadinaayo in aan ku adkeysto go’aankayga, balse waa tan maanta aan madaxweyne ah, siyaasyiinta wada-hadal ayaa la gali doonaa”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan ka jeediyay xili uu shalay booqday xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho.