“Bariirre iyo Beel gaar ah!” SHIRIB IYO BAROOR DIIQ W, C, Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Bariirre iyo Beel gaar ah!” SHIRIB IYO BAROOR DIIQ W, C, Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Toban walxaato miin ku taal
Iyo tobanu waa la maag,
waxana loola maagayaa
Toban kaleeto miin ku taal,

Minyaro ka maseyrtayoo
Musweynti diidday waa la maag,
Waxana loo la maagayaa
Mag-magatey la meel dhigaan,

Martidi is macneysaya
Megen carootay waa la maag,
Waxana loo la maagayaa
I mootiyaa u taalla meel,

Muluqi hooyadii macaan
Macsi ku sheegay waa la maag
Waxaana loo la maagayaa
Waa mixno kuusanoo madow.

Milkiile minankow lahaay
Marti adeejay waa la maag (Mareykan)
Waxaana loo la maagayaa
Macquulba maahan saan mudaa,

Makaan dad nin maroogsadee
Siina murmaaya waa la maag,
waxaana loo la maagayaa
Maanyaro dhaaftay moosinkeed,

Macallin ardagii mudnaay
Madar ku xoogay waa la maag,
Waxaana loo la maagayaa
Mucjiso waaye maad ka dheer,

Muqdisho yeela mee maqaam
Madax saxiixday waa la maag,
Waxaana loo la maagayaa
Dhowr milyaneey ka moodayaan,

Hal meela toban maamulee
Kala minguurshay waa la maag,
Waxaana loo la maagayaa
Waa madaxweynayaal is moog,

Muddul Bariirre maalin weyn
Maata ku laayo waa la maag,
Waxana loo la maagayaa
Masuul darrey u muuqataa,

Mowlaa qoroo ma mooginee
Meyd aasi maayo waa la maag,
waxaana loola maagayaa
Minhaaj qoraaya maaragteen,

“Afmeer”

“Macnaa ku jira meel walbee
Madaxya xays ag geeyay maad?”

“Xasuuqii Bariirre ka dhacay Gellinkii dambe ee Jimcihi waxay ahayd dhacdo aad u foolxun, inkasta oo ayan nagu cusbeyn, oo ay bille u dhacdo haddanayba isbuucle u dhicin, laakin waxaa geysatay gacan aan laga filaneyn, sidaa ayayna ugu duwanaatay dhacdooyinkii ka horreyay, waxaase cirka iyo caadda sare xaalkii geeyay markii ay dhowr Wasiir halba dhan u hadlay! “IS MOOGGAYAAL”

waxaase kasii yaab badan waliba aniga saameyn igu yeeshay “LA AASI MAAYO” yaa la la sugayaa? Ma meydka ayaa bannaanka iska aallaya bilaa sabab? Sow waqtigoodi halkaa kuma ekeyn oo laba goorraba dhiman maheyn? Sow ciddii dishay ma cadda oo ma anay qiran inay qalad cad ku kaceen, koox gaarihiba ha fuliso’e soow in la siyaasadeyo qalad maahan? oo xilmadhibaan awal xiiqsanaa oo la’aa meel uu dowladda ka hagar daameyo, iyo Siyaasi suuq dhacay oo seyladda looga tegay heli maaayo, nabar uu dhacaanka ka bixiyo?
Maxay tahay sababta reybeysa in aan la aasin? Maxaa meydka loo caddibayaa? “Caado cusub”

FG: ma taagersani in la xasuuqo ama la dilo qof aan waxba galabsan Shabaab iyo shacabna isuma eka waxaase i mari la’ “Meydki la aasi maayo”

Codsi: Dowladdu iyadaa ceeb iyo cullaab dhexda ka fadhida ee yaan meydka la cabburin, oo hala aaso!’

Intii dhimatana Eebbe ha u naxariisto, waa loo ka la horreeyaa ee looma ka la xaq lehe geerida’e, Rabbi “SWT” Jannadiisa ha ku casuumo, dhamaantood!’ ma mudneyn in Diyaaradaha Mareeykanka lagu garaaco, mana mudney in rag Soomaaliyeed kusoo hoggaamiyeen, wixii dhacay, waaase dhacdo reebi doonta uur ku taallo, Dowladdana liis madow loogu qori doono, xisaabona ay ka dambeyn doonto maalintay ahaataba, waxaanse ka war sugeynaa guddiga loo xil saaray oo ay maanta ku ekayd waqtigii loo qabtay, qiraal ama qirasho la,aan tii ay la shir yimaadaan. intii ku dhimanata Eebbe meel ka kheyr badan ha geeyo.

“Bariirre iyo Beel gaar ah!” SHIRIB IYO BAROOR DIIQ W, C, Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”