Al Shabaab Iyo Ciidamada AMISOM Oo Ku Dagaalamay Shabeelaha Hoose, Iyo qasaaraha ka dhashay ?

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaanka Golweyn iyo Magaalada Buula Mareer ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Waxaana qaraxa kadib halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyay ciidanka AMISOM iyo dagaalyahanada Al Shabaab, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray ciidamada AMISOM weerarkaasi, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in 2 ruux oo shacab ahaa ay ku dhinteen , halka 2 kale ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaalkaasi.

Xarakada  ayaa sheegatay in mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM ay ku gubeen weerarkaasi.

Mana jirto ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi.