Waa Kuma Wasiirkii Ugu Horreeyay Ee Jabiyay Amarkii Ra’iisul Wasaare Kheyrre?

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa markii ugu horreysay la hadlay saxaafadda, waxaana uu noqday wasiirkii ugu horreyay ee jebaya amarkii ra’iisul wasaare Kheyrre ee ahaa in aysan saxaafadda iyo baraha bulshaduba war kuqori karin illaa uu u fasaxo ra’iisul wasaaraha.

Juxa ayaa wareysi siiyay mid kamid ah TV-da maxaliga ah, wuxuuna sheegay in uu garanayo waxa uu ku hadlayo, sidaa darteeda uu xor u yahay isticmaalka baraha bulshada iyo la hadalka warbaahinta.

“Ani waxaan isticmaalaa Facebook saxaafadana waan ka hadlaa, waayoo isma quseeyo ka hadlida dhacdooyinka qaar ee amniga ku saabsan iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaarada arimaha Gudaha Soomaliya”, ayuu yiri Wasiir Juxa.

Amar diiddada wasiir Juxa ayaa imaanaysa xilli dhawaan uu ra’iisul wasaaraha ka mamnuucay xukuumaddiisa in aysan amar la’aan isticmaalin baraha bulshada, sidoo kalena aysan warbaahinta la hadlin, kaddib weerarkii Bariirre oo ay dawladda hadallo isdhaafsan baraha bulshada iyo warbaahintuba uga tebiyeen.