Tobaneeyo Maxaabbiis Ah Oo Ka Baxsatay Xabsiga Dhexe

Warar inaga soo gaaraya hadda magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland waxa ay sheegayaan in tiro maxaabbiis ah oo kuxirnaa xabsiga dhexe ee magaalada ay ka baxsadeen.

Tobaneeyo maxaabbiis ayaa la xaqiijiyay in ay ka baxsadeen xabsiga, kaddib markii ay u sahlanaatay in ay si dhib yar ku dummiyaan gidaarka ama derbbiga wayn ee xabsiga.

Markii ay jebiyeen xabsiga derbigiisa waxaa goobta durba ogaaday ciidanka Asluubta ee illaalineysay xabsiga, waxaana ay soo qab qabteen qaar kamid ah maxaabbiistii baxsatay, halka qaarka kalena la sheegay in weli lagu dabo jiro.

Maxaabbiista ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa iskugu jiray kuwa geystay dembiya kala duwan, waxaana hadda baaritaan dheer uu kusocdaa sidii ay ugu fududaatay in maxaabbiista dummiyaan derbbiga xabsiga.