Saan Saan Colaadeed Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanka Leego Iyo Ciidanka Dawladda Oo Halkaas Kusii Jeeda

Ciidamo Huwan ah oo ka kooban kuwa dawladda iyo ciidanka AMISOM lagu daray diyaaradaha MAreykan ka ayaa ku wajahan deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dadka deegaankaas ay durba bilaabeen ka qaxitaan, maadaama laga yaabo in halkaas uu ka dhaco dagaal aan la isku aabbo yeelin.

Wararka aan helayno waxa ay sheegayaan in Alshabaab laftigooda ay diyaar u yihiin in ay u babbac dhigaan ciidanka Huwanta ee dawladda iyo saaxiibbadeeda.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan ayaa kamid ah dagaalo uu iclaamiyay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo kaas oo lagu soo gaba gabeynayo dhaq dhaqaaqa Alshabaab oo saameyn xooggan ku leh gudaha gobolkaas.