Maxay Ka Tiri Dawladda Itoobiya Arrinta Qalbi Dhagax?

Sida ay werineyso warbaahinta Ethiopia gaar ahaan hillinka la yiraahdo Ethiopiaobserver.com, hoggaamiyihii kooxda laga mamnuucay dalka Itoobiya ee ONLF Abdikarim Sheikh Muse oo ku magac dheeraa Qalbi Dhagax ayaa gacanta lagu dhigay, kaddib markii uu dhuumaaleysi ku joogay magaalada Cadaado oo 500-km Wuqooyiga ka xigta magaalo madaxda dalka Soomaaliya.

MA Jiro war cad oo kasoo baxay labada dhinac haddii ay ahaan lahaayeen jabhadda ONLF iyo dhanka Itoobiya, islamarkaana kusaabsan arrinta qabashada sarkaalkan oo dawladda Soomaaliya ay gacanteeda ku jirto.

Dawladda Itoobiya ayaa Sheegtay in ay weli socoto baaritaan kusaabsan arrinta Qalbi Dhagax dibna ay kala soo socodsiin doonaa warbaahinta waxyaabaha quseeya arrinkaas.

Qalbi Dhagax ayaa ahaa sarkaal saameyn wayn ku dhex leh ururka ONLF oo tan iyo 1984-tii ka dagaalamayay dalka Ethiopia.