Kooxo Hubeysan oo Haweenay Muqdisho ku dilay iyo Faah faahin laga helaayo?

Kooxo hubeysan ayaa galabta Gudaha Suuqa bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Haweeney.

Rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa la sheegay in ay fuliyeen dilka loo geystay Haweeneyda, oo ka dhacay agagaarka xarunta Shirka Isgaarsiinta Somtel ee gudaha Suuqa Bakaaraha.

Waxaa la xaqiijiyay in haweeneyda ay wadatay gabar 8-sano jir ah islamarkaana ragga hubeysan ay kaliyah beegsadeen haweeneyda.

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya, waxaana jirey howlgal ay goobta ka sameeyeen  iskastoo aysan jirin cid ay usoo qabteen dilka loo geystay haweeneyda.

Ilaa haatan sib dhab looma oga haweeneyda halka ay ka tirsaneed.