FAAH FAAHINO:- Warar Dheeri Ah Ayaa Kasoo Kordhay Arrinta Sarkaalkii ONLF Ee Muqdisho Kusugnaa Iyo Dawladda Ethiopia

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya arrinta C/kariim Muuse Qalbi Dhagax, warar hore oo aan baahinay ayaa sheegayay in diyaarad la saaray Ethiopiana loo gacan geliyay, hasa yeeshee warar kale oo hadda ina soo gaaraya waxa ay sheegayaan in weli uu Muqdisho joogo, islamarkaana wada hadal uu kula jiro dawladda Ethiopia.

Safaaradda Ethiopia ee magaalada Muqdisho ayeey shalay galab shir muhiim ah ku yeesheen Qalbi Dhagax iyo safiirka, waxaana looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay in uu isa soo dhiibo, hasa yeeshee lama oga waxa rasmiga ah ee kasoo baxay shirkaas.

Sida muuqata shirkaas waxaa laga yaabaa in uu noqdo mid guuleeysta, maadaama Qalbi Dhagax uu ahaa xubin sare oo kamid ah ururka Gobonimo u dirirka Ethiopia ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano ONLF.