Dumar Iyo Dad Iska Dhicis:- Ma Dhabbaa In Xafiiska Wasiiradda Ganacsiga DFS Uu Ku Qalabeysan Yahay $87,000? (Sir Iyo Fadeexad)

Wasiiradda Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale ayaa kamid ah wasirrada ugu daqli soo galidda badan Soomaalida, sidoo kale waxa ay leedahay Xafiis aad loola yaabay quruxdiisa.

Dumar iyo dad iska dhicis; Khadra waxaa la sheegay in xafiiskeeda keliya lagu qarash gareeyay lacag ka badan $87,000 (Sideetan iyo Toddobo kun oo Dollar-ka Mareykanka ah).

Injineerrada sameeyay waxa ay ahaayeen kuwa meel dheer laga dalbay, maadaama qaabka ay u dooneysay uu ahaa mid ka duwan qaababka ay u qalabeysan yihiin xafiisyada madaxda kale.

Dhawaannahan waxaa socdo khilaaf iyo fadeexad xooggan oo hareysay wasaarradda ganacsiga iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed, taas oo uu ugu dambeyn soo fara geliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyrre.

Haddaba Daawo Sawirka xafiiska wasirradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.