Dowlad Ciidan Hor leh u soo Dirtay Somalia, oo Shalay Magaalada Muqdisho ka soo dajisay?

Dowladda Burundi ayaa ciidamo horleh u soo dirtay gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ka tirsan Guutooyinka 44aad iyo 45aad ee ciidanka wadankaasi, kuwaasi oo qeyb ka noqonayo howlgalka AMISOM.

Ciidamadan cusub ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dowladda Burundi tilmaamtay in ay badali doonaan, qaar ka mid ah ciidamada ka tirsanaa Guutooyinka 38aad iyo 39aad ee ciidanka Burundi, kuwaasi oo ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Burundi Colonel Gaspard Baratuza oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ciidamadan cusub ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay qeyb ka noqon doonaan howgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Dowladda Burundi ayaa qeyb ka ah tiro dowlado ah oo ciidankooda u soo diray Soomaaliya , kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya