Canug Yar Oo Indho La’aan Dhashay Iyo Hooyadiisa Oo Diidday In Ay Nuujiso Cabsi Ay Ka Qabto Awgeed (Sheeko Murug Leh)

Cannug yar ayaa ku dhashay magaalada Mombasa ee caasimadda Labaad dalka Kenya, balse nasiib wanaag wuxuu lahaa astaan ka duwan caruurta dunida kusoo biirta.

Sida ay u sheegeen The Nation hillinka layiraahdo ee fadhigeedu yahay Nairobi qoyska uu cannuggaas u dhashay, wuxuu ahaa mid aan lahayn indho, islamarkaana keliya wejiga uun ka kooban.

Saacado ayuu dunida saarnaa, dhammaan intii uu kusugnaa Kawnka dhulka, ayna nafta kujirtay wuxuu ahaa mid qayliya oo aan afkiisa isku qaban.

Xilli dambe oo habeenkii ayuu geeriyooday, sida ay xaqiijisay mid kamid ah xubnaha qoyskan uu u dhashay canuggaas Mucjisada lagu tilmaami karo.

Hooyo Mariam Mwakombo oo 22-sano jir ah ayaa diidday in ay nuujiso canuggan waxaana ay sheegtay in ay ka baqeyso, halka Hassan Dzuya oo ah adeerka hooyada dhashay canuggaas  uu warbaahinta u xaqiijiyay in aan waxba la siin tan iyo markii uu dhashay, ilaa uu ka dhinto sababo cabsi la xiriirta.

“Waxa aan ku duugnay illinka hore ee guriga, si uu xasuus inoogu noqdo, welise ma arag inta aan noolaa qof sidiisa oo kale,” ayuu yiri Hassan Dzuya oo awoow u ahaa cannugga dhashay.