Akhriso:-Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo La Magacaabay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Soo saaray Wareegto uu ku magacaabayo  sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Guddigaan waxaa guddoomiye looga dhigey Maxamuud Xuseen Yuusuf halka ay guddoomiye ku xigeeno ka yihiin Abuukar Xasan Cali iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow, halka xoghaynta guddigana uu yahay Ismaaciil Maxamed Nuur, sida ku cad wareegtada.

Xubnahaan ayaa laga sugayaa in ay so diyaariyaan sharciyadda Doorashada Madaxweynaha Cusub ee maamulka Hirshabelle, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay cali osoble.