Xildhibaan Cabdi-weli Qanyre oo Bulshadda’ Ugu digay Burcad Nuuc Cusub oo soo Korortay?

Xildhibaan Cabdi weli Maxamed Qanyare oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Somalia, ayaa Bulshadda Ugu digay burcad nuuc- cusub oo Baraha Bulshadda ku Isticmaalaya magaciisa, iyaga oo halkaasi ku baahinayo muuqaalo iyo qoraalo aan anshaxa ku wanaagsaneyn.

Cinwaanka been abuurka ee magaciisa loo adeegsaday ayuu sheegay inuu yahay sidan https://www.facebook.com/qanyare12/wuxuuna xusay in cinwaankan been abuurka ay sameeyeen shaqsiyaad ujeedooyin gaar ah leh, uuna dabagal ku hayo.

“Shirkadda facebook Waan wargeliyey cinwaanka been abuurka ah ee magaceyga laga sameystay, jawaab ayaana ka sugayaa waxaana aad u rajaynayaa iney xiraan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi-weli Maxamed Qanyare oo sidoo kale Bulshadda Ugu digay in Mooryaanta magaciisa Isticmaalaya ku kadsoomin.

Dhinaca kale, xildhibaanka ayaa sheegay in cinwaankiisa facebooga ee saxda ah uu yahay sidan: https://www.facebook.com/Abdiwelliqanyare101/?pnref=story wuxuuna asxaabta, dadka ehelkiisa ah iyo shacabka Soomaaliyeedba uga digayaa ineysan ku kedsoomin cinwaanka hore ee been abuurka ah.

Arintan ayaa ku soo beegantay xili muddooyinkan ay soo baxeen shaqsiyaad cinwaano been abuur ah baraha bulshadda uga sameysanaya magacyada masuuliyiin iyo dad kale oo caan ah, iyagoo ka leh ujeedooyin guracan.

Masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan kuwa ugu sareeya dowladda Somalia iyo shaqsiyaad caan ah ayaa horey bulshada uga digay ineysan ku kedsoomin cinwaano la been abuuray oo magacyadooda looga sameystay baraha bulshada sida facebook, Twitter, Instagram iyo qaar kale.