Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Shaqa Joojin Lagu Sameeyay

Madaxwayne Kuxigeenka PuntlandC/xakiin C/laahi Cumar ayaa shaqo joojin ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Puntland C/qaadir Faarax Shire.

Ma jirto sabab rasmi ah oo shaqada looga joojiyay, hasa yeeshee madaxwayne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa shaqada kaga joojiyay Taliyaha wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Waa mid kamid ah hadal heynta ugu ballaaran ee ka jirta deegaannada maamulka Puntland, maadaama sarkaalka shaqada laga joojiyay uu kasoo jeedo mid kamid ah beellaha ugu saameynta badan maamulkaas.

Hoos Ka Akhriso Wareegtadii xilka looga qaaday.