Shir Aan Noociisa Horey Loogu Qaban Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furmay

Wasaaradda Arriimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furtay Muqdisho shirwayne Qaran oo looga hadlayo xal u helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo noqonaya.

Saraakiil kasocota UNHCR, dawladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa ka qayb gali doona shirkan soconaya saddexda Maalin.

MAalinta saddexaad ee shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyadeed quseeya qaxootiga Soomaalida ee dalka dib ugu soo noqonaya iyo kuwa gudaha ku nool.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dooneysa in ay waxbadan ka baddasho arrimaha qaxootiga maadaama ay leedahay waax dhan oo quseeysa arrimahaas.

Waa markii ugu horreysay ee shir noocan oo kale gudaha Soomaaliya lagu qabto, markii hore waxaa lagu qaban jiray shirarka noocan ah magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.