Salaad Cali Jeelle, Farmaajo, Kheyrre Siilaanyo; Dadka Caanka Ah Maxay Ka Yiraahdeen Xasuuqii Liverpool Ay U Geysatay Arsenal (Kaftan Iyo Madaddaallo)

Waa qoraal aan cidna kusocon, keliya waa madaddaalo loogu tallagalay saaxiibbada ciyaaraha ee xalay la socday kulankii Arsenal iyo Liverpool, kaas oo kooxda lagu naaneyso Reds ay guul muhiim ah ka gaartay dhiggeeda Gunners.

Maxey Ka Dhaheen Beesha Caalamka, Siyaasiyinta Somalida, Iyo Madaxda Dalka Falkii Xalay Lagula Kacay Arsenal.

Beesha Caalamka:- “Wan ka xunahay falkii guracnaa ee Arsenal lagula kacay, mana u dulqadaneno falka noocaan ah ee kusoo laa laabtay kooxdaan”.

Qaramada Midoobay:- “Waa in la baaraa waxa iskusoo beegay xasuuqi xalay iyo kii lix sano kahor isla kooxdan loogu geestay Old Trafford”

Midowga Africa:- “Ma u dulqaadan doonno Ooyinta joogtada ah ee lagu haayo shacabkeena Afrikaanka ah ee taageera gunners”.

Midowga Yurub:- “Liverpool waa in looga yeeraa International Criminal Court ‘ICC’ si wax looga weydiiyo xasuuqi xalay

Madaxweyne Farmaajo:- “Duqeyntii Bariirre Waan Bareynaa, Dowladiina ku kalsonaada ayaan leeyahay Taagerayaasheyda“.

Rayasul Wasaare Kheyre:- “Dhacdadii Xalay ka dhacday Bariirre, Xaba kala ma socdo“.

Odayaasha Beelaha Hawiye:- “Mayd baa Faranjiyeer noogu jiro, Liverpool dhibkee geesatayna waan maqalnay, Maydka marka duugno baa inoo balan ah, haduu alla noo idmahayo”.

Salaad Cali Jeele:- “Yaa Muluqyadi Halkii wenger ahaa maha keensaday xalay waa lagu roog roogsadhay, yaa ilmaha muufiyo Sariid ma siiyo miyaa halkaan sambabka wayn leh”.

Madaxweyne Gaas:- “Ciidamada daraawishta mar walba waa kuwo heegan kujira, kooxdii jabka caadeysatay ee gurigooda kusoo weerartayna hade waa aragteen xalay jabka gaaray”

Madaxweyne Siilaanyo:-“Labadii xasuuq ee is xig xigay Kii Anfield iyo kii bariirre wan so dhaweyneenaa, waana mid inoo sahli karta ictiraafkii aan raadineenay 25 sano ka badan”

F:G:- Qoraalkan waa iska Kafta Sheeko loogu talagalay in Taageerayaasha Arsenal Lagu Kulluleeysto

Waxaa Allifay Nuune Cali Xassan (Habeysane)