Rugta Ganacsiga Oo Si Layaableh Ugu Jawaabtay Wasaaradda Ganacsiga Iyo Ducoment-yo Fadeexo Noqon Kara Oo Lasoo Bandhigay

Agaasimaha rugta ganacsiga Soomaaliya Cabdi Abshir Dhoore ayaa si kulul uga hadlay hadal maanta kasoo baxay wasaaradda Ganacsiga Soomaali oo ahaa in la kala diray rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Tan iyo wakhtigaas, durba warqad kale oo ay ku lifaaqan yihiin ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha Soomaaliya ayeey soo saareen, taas oo ahayd in aysan ka warqabin warka wasaarradda, ayna tahay been iyo wax kama jiraan.

“Rugta Ganacsiga Somalia waxaa ay ka mid tahay Bulshada rayidka, mana ahan hay’ad ay dowladda leedahay oo wixii ay dowladda rabto ay ka sameysan karto” ayuu yiri Agaasimaha Rugta Ganacsiga  Cabdi Abshir Dhoore.

Haddaba Hoos ka akhriso Warqadda Rugta Ganacsiga Soomaaliya ay soo saartay.