RASMI:- Dawladda Soomaaliya Oo U Gacan Gelisay Ethiopia Sargaalkii ONLF Ka Tirsana

C/xakiin Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaalkii ONLF ee kusugnaa magaalada Muqdisho ayaa sida ay sheegayaan warar hoose waxaa loo dhoofiyay dhanka magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Sarkaalkan ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo kaddib waxaa loo gudbiyay magaalada Cadaado, halkaas oo Muqdisho looga soo duuliyay.

Wada hadallo u dhaxeeyay Ethiopia iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn guuleeystay, waxaana sida ay sheegaan warar lagu kalsoonaan karo in Qalbi dhagax loo duulay dhanka Ethiopia.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa horey loogu eedeeyay in uu wakiil ka ahaa dawladda Ethiopia ee dooneysay in loo gacan geliyo Qalbi dhagax oo ahaa sarkaal sare oo kamid ah kooxda ONLF oo ka dagaalanta gobolka Soomaalida Ethiopia.