Qaraxyada Fashilma Ma Qalad Alshabaab Baa Mise Waa Qorshe Cusub? (Xog Daahsoon)

Alshabaab ayaa dhawr jeer oo kamid ah Bishan gaba gabada ah ee August isku dayay in ay qaraxyo ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho, hasa yeeshee dhammaan waa ay fashilmeen sida ay sheegeen ciidanka nabad sugidda qaranka.

Balse qaar kamid ah dadka siyaasadda Alshabaab waxbadan u dhunduleelsan ayaa aaminsan in Alshabaab ay aad u adag tahay in uu qarax ama hawl gal dhammeystiran uu ka fashilmo, dhawr jeer oo kale duwan.

In Hal jeer uu fashilmo la gartay, sidoo kale laba ilaa saddex jeer in uu fashilmo macquul laakiin waxa ay aaminsan yihiin in ay tahay qaraxyadan baabuurta inta lagu soo xiro waddooyinka la iska dhigayo, kaddibna meel cidla ah ku qarxaya, qorshe  cusub oo ay ku dageen gacansada cusub ee ay Alshabaab waajibka kaga dhigaan Zakawaadka waxa ay u yaqaanaan oo baad qofka ganacsada ah looga qaato.

Waxaa Fudud in qofka uu horey u aamini waayo marka ay soo wacaan shakhsiyaadka u qaabilsan ururka dhanka Zako aruurinta gobolka Banaadir, balse si uu u yaqiinsado hadalba waxaa bilaw looga dhigayaa qarax agtiisa lasoo dhigo, kaddibna waxyeelo qeybo kamid ah dhismaha iyo hantida uu leeyahay ganacsadahaas.

Waa ay fududdahay markaas in uu qofka ganacsatada ah aamino in Alshabaab ay doonayaan lacagahaas, kaddibna uu isaga leeyahay go’aanka bixinta iyo diidmada, haddii uu oggolaado waa sida ay doonayeen, haddii uu diido se waxaa ay isku diyaarinayaan weerar toos ah oo goobtaas lagu qaado.

Tusaalle goobihii ugu dambeeyay ee qaraxyada agtooda inta la dhigay qarxay, dawladduna sheegtay in la fashiliyay waxaa kamid ah Isbitaalka Daaru Shiffa, kaas oo Farmashiyiha isbitaalkaas uu burbur wayn gaaray.

Sidoo kale Super Market ka caanka ah ee Midnimo oo isna agtiisa ama wejiga hore looga dhuftay qarax khasaaro xooggan geystay; si lamid ah shalay ayeey ahayd markii Hotelka Mubaarak oo kamid ah hotelada caanka ah ee Muqdisho hortiisa qarax gaari lasoo dhigay.

Tani waa tusaalayaal kooban oo aan kasoo qaadanay dhacdooyinka isku eg eg ee Ay Alshabaab ka sameeyeen dhawaanahan, taas oo dadka inyar aragga ay u arkaan in yihiin qarax fashillin ciidanka dawladda ay sameeyeen.

Waa aragti ay qabaan qaar kamid ah dadka aad ka u lafa gura arrimaha Alshabaab iyo siyaasaddooda dhiig daadinta ku dhisan.