Mid Kamid Ah Waddamada Geeska Afrika Oo Laga Mamnuucay Bac Qafiifta Alaabta Lagu Qaato?

Dalka Kenya waxaa maanta ka dhaqan galay mamnuucitaanka bacaha alaabada lagu qaato, Laga billaabo Isniintan qofkii lagu helaa isaga oo iibinaya baco, soo saaraya ama wataba wuxuu mutaysan karaa ganaax lacageed oo dhan 38,000 oo doolar ama xabsi ilaa afar sano ah.

Dawladdu waxay sheegtay in mamnuucitaankani uu gacan ka gaysan doono ilaalinta deegaanka.

Laakiin shirkadaha soo saara bacaha ayaa sheegay in mamnuucitaankani uu shaqo la’aan dhigi doono 80,000 oo ruux.

Maxkamadda ayaa Jimcihii diiday in ay hor istaagto mamnuucitaankan.

Waxaa la qiyaasay in dadka Kenyanka ah ay bil kaste adeegsadaan 24 milyan oo bacood.

Waxaa jira dalal kale oo Afrikaan ah oo horay u mamnuucay adeegsiga bacaha waxaana ka mid ah Koonfur Afrika, Rwanda iyo Eritrea.

Waa markii saddexaad ee la isku dayo in Kenya laga mamnuuco bacaha tobankii sano ee u dambeeyay.

Xigasho BBC SOomaali