Madaxweynaha Galmudug”Waalidiinta Caruurta haka wacyi gilyaano Isbaarada Hadii Kale?

Axmed Ducaalle Geelle Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Gaaray Galinsoor ayaa meel fagaaro ah kula hadlay Mas’uuliyiin iyo Shacab ka tirsan deegaanka kadib warbixin uu ka dhageestay.

Dadka Ku Nool galinsoor ayaa Madaxweyne Xaaf u sheegay in ay dhibaato Ku qabaan isbaarooyin tira badan oo deegaanka yaalla waxayna Maamulkiisa ka dalbadeen in laga qaado Isbaarooyinkaasi.

Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay in Maamulkiisa uu ka taageeri doono Wax ka qabashada Cabashadooda Balse looga baahan yahay waalidiinta in ay caruurtooda ka wacyi giliyaan Isbaarada ay dhigtaan deegaanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta ay isbaarada Taalo aysan dadka deegaanka heli doonin roob oo ay abaarta Ku siii jiri doonaan Sababtuna waxa uu Ku sheegay in deegaanku yahay meel dadka lagu dhibaateeyo.