Ma Dhabbaa In Jeneraal Galaal Uu Ethiopia Heshiis Kula Galay Arrin Naadir Ah Oo Ay Soomaalida Ka Faanto

Isagoo u waramayay idaacadda maxaliga ah ee Daljir ayuu beeniyay Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wararka sheegayay in uu wakiil u yahay dawladda Ethiopia, islamarkaana uu doonayo in uu gacanta ku geliyo C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka Soomaalida Ethiopia.

Itoobiya ayaa dooneysa in ay soo ciribtirto ururkaas ONLF ama UBBO oo doonaya in ay xurreeyaan dhulka Ogadenia oo hadda kamid ah Ethiopia.

Jeneraal Ganaal ayaa iska fogeeyay wararkaas, wuxuuna sheegay insan diyaar u ahayn isagoo cimrigaas jira in uu heshiis la galo dawlad sida Ethiopia oo kale ah, maadaama uu yaqaano dhabta waxa ay tahay dawladdaas.

Qof walba oo Soomaali ah ayaa ka faana in qof walaalkiisa ah uu u dhiibo dawladda cadaw deriseedka Ethiopia, sidaa darteeda Galaal haddii uu hadalkan dhab noqdo wuxuu ku dhacayaa mid kamid ah qaladaadkii ugu waynaa noloshiisa

C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna qorsheynayay in uu u gudbo dhanka Cadaado, balse ugu dambeyn waxaa ciidanka Nabad Sugidda Qaranka ay u gudbiyeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warar soo baxayay dhawaanahan ayaa sheegayay in dawladda Ethiopia ay soo wakiilatay Jeneraal Galaal sidii Xukuumadda Adis Ababa loogu wareejin lahaa Qalbi Dhagax oo  dhawaan kusoo dhuuntay dhulka Soomaaliya.

Galaal ayaa sidoo kale beeniyay warar badan oo ay saxaafadda ka qoreen beryahan, intii uu kusugnaa magaalada Cadaado ee caasimad kumeel gaarka maamulka Galmudug.