Hooyo U Dhimatay Qarracan Kaddib Markii Loo keenay Meydka Wiilkeeda Oo Ay Alshabaab Dileen

Konistaybol Bareyn Malasi waa sarkaal kamid ah booliska dalka Kenya, wuxuu qayb ka ahaa tiro ciidanka Booliska Kenya oo lagu dilay deegaan Gaarisa ee Wuqooyi Bari dalka Kenya.

Malasi wuxuu ciidamada Police-ka ku soo biiray sanadkii 2015-ka, Wuxuuna tababar ku soo qaatay kuliyadda ciidamada Police-ka ee Kiganjo, iyadoo ugu dambeyntii loo soo wareejiyey saldhigga Police-ka Bodhaay ee gobolka Garissa halkaas oo uu ka tirsanaa ilaa ugu dambeyntii uu ku baxay gacanta Alshabaab oo halkaas weerar ku qaadday.

Sarkaalkan iyo shan kale oo saaxiibadiisa ah ayaa lagu dilay weerar xoog lahaa oo15-kii August ee sanadkan ay kooxda Jihaaddistayaasha ah ee Alshabaab  ka fuliyeen wadada isku xirta Boodhaay iyo Ijara ee gobolka Garissa.

Taliyaha ciidamada Police-ka ee gobolka Garissa David Karina ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Malasi uu geeriyooday dib na loogu aasay deegaankii uu kasoo jeeday ee Nigeeti, halkaas oo hooyadiisa iyo reerkiisa ay ku nool yihiin.

Markii ay maqashay hooyadiisa dilka loo geystay wiilkeeda, durba waxa ay bilaawday wer wer iyo walbahaar taas oo Shoog isku baddalay, ugu dambeyn isbitaalka ayaa loola cararay halkaas oo ugu dambeyn ay ku geeriyootay, sida ay werinayaan warbaahinta Afka Shabaab ku hadasho oo soo xiganaya kuwa Kenya.

“Waan argagaxay markii la igu soo wargeliyey in ay dhimatay hooyada dhashay sarkaalka la dilay oo aan waxyar ka hor isla abaabulaynay aaskii loo sameyn lahaa Sarkaalka” ayuu yiri David Karina oo ah Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Gaarissa.

Waa mid kamid ah dhacdooyinka xanuunka ah ee ay Alshabaab badeen dadka Soomaalida iyo Banii Aadamka kale ee aan deriska nahay, mana ahayn wax wanaagsan fal ahaan marka la fiirinayo beydadka xuquuqul insaanka ka hadla ee Aadmigu isku waafaqsan yahay.