Haweeney 104-Jir Ah Oo Sannadkan Si Cajiib Ah Usoo Xajjin Doonta Iyo Sheeko Xiiso Badan

Haweeney 104 Jir ah oo u dhalatay dalka Indonesia ayaa kamid ah dadka ugu da’da wayn ee sannadkan kasoo muuqan doona Xajka, kaddib markii ay Sabtidii u duushay dalka Sucuudiga.

Ibu Mariah Marghani Muhammad oo ku nooleyd Bahasa oo Indonesia kamid ah ayaa sheegtay in ay weligeed ku riyoon jirtay in ay aaddo Makka si ay usoo Xajiso.

“Alle Ayaa mahad iskaleh, waxa aan usocdaa Makka, waxaan u socda Xajka,” ayeey tiriĀ Ibu Mariah Marghani Muhammad waxyar kahor inta aysan ka duulin Indonesia islamarkaana aysan ka degin Boqor Abdulaziz International Airport.

Ibnu Mariah ayaa ku biireysa inkabadanĀ 221,000-Xaaji oo kasoo safraya sannadkan dalka Indonesia si ay u gutaan waajibka sannad laha ah ee Xaj.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa xaqiijisay in inkabadan 1.5-Million oo Xujaay ah ay sannadkan kasoo dageen boqortooyada, waxaana la filayaa in ay buuxiyaan tirada 2 Million oo qofood, maadaama ay caado ahayd in tiradaas ay buuxsanto sannadyadii lasoo dhaafay.

Ibnu Mariah ayaa ah inta hadda la ogsoon yahay qofka ugu da’da wayn dadkii sannadkan aaday Sucuudiga si ay u gutaan Waajibka qofka Muslimka ah hal jeer noloshiisa lagu leeyahay ee Xaj ka.