Guddigii Xaqiiqa Raadinta Ee Dowladdu Magacowday oo Bariire Ku Wajahan

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta ku wajahan Guddiga  xaqiiqa raadinta ee dowladdu ay u magacowday dhacdadii deegaankaas ka dhacday subaxnimadii Jimcaha aheyd kadib markii la laayay shacab Soomaliyeed Beeraley ahaa.

Guddigaan waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow,waxaa sidoo kale kamid ah Taliyayaaasha Ciidamada Xoogga, Nabad Sugida Soomaliya iyo odoyaaal dhaqameed.

Guddigaan ayaa la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxayna ka xog wareysan doonaan dhacdadii lagu laayay 10-qof oo beeraley aheyd oo deegaankaas ku sugnaa, oo lagu eedeeyay Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Mareykanka in ay geystaan falkaas.

Raisulwasaare ku-xigeenka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay shalay  in guddi loo saaray dhacdadii deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose, islamarkaana laga doonayo in Muddo 5-maalmood ah ay warbixin kaga keenaan wixii ka dhacay deegaankaas.