Dhageyso Kufsi Noociisa Kii Ugu Horreeyay Oo Muqdisho Ka Dhacay (Sheeko Naxdin Badan)

Degmada Hilliwaa ee gobolka BAnaadir waxa ay kamid tahay degmooyinka aan dawladdu ka tilin marka la gaaro xilliga habeenkii ah; maadaama saameyn xoog leh ay weli kuleeyihiin kooxda Alshabaab.

Cabashada dadka deegaanka ayaa ah mid aad u badan, waxaana ay mar walba ka cawdaan dabley aan la garaneyn heybtooda oo dhac iyo baad ka geysta xilliga habeemoo ah degmadaas.

Guddoomiyaha degmadaas ayaa sheegay in dhibaatooyinka noocaas ah ay kala siman yihiin degmooyinka qaar ee gobolka, islamarkaana la doonayo in ay u dulqaataan illaa caddaaladda la horkeenayo shakhsiyaadka uu ku tilmaamay in ay yihiin nabad diid.

Si kastaba ha ahaatee dhacdadii ugu xanuunka badneyd ayaa todobaadkan ka dhacday, markii gabadh 16-sano jir ah oo adeerkeed lasocday la kufsaday.

Gabadha oo usocotay ceel biyihiisu lagu sheegay in uu macaan yahay ayaa dhex waxaa u galay kooxahan, kaddibna si xoog ah ayaa lagu kufsaday, taas oo ah mid aadmiga xuquuqdiisa ka dhan.

Si kastaba ha ahaatee waa mid kamid ah falalkii ugu naxdinta badnaa ee dhawannahan Muqdisho laga maqlo.
haddaba Daawo oo dhageyso sheeko la xiriirta arrintaas.