Booliska Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Ninkii Xaaskiisa Dilay

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan oo si naxariis daro ah Xaaskiisa ugu dilay Deegaanka Fiqu filiye ee Gobalka Sanaag.

Ninkaan oo watay qoriga loo yaqaano AK47-ayaa si bareer ah rasaas ula dhacay Xaaskiisa oo u haysay 12-Caruur ah waxay dadka deegaanka ay ku war heleen raasaas culus oo ka dhacaysay Guriga oo kolkaas aan lagu ogayn wax qilaaf ah oo u dhexeeyey Lamaanaha Caruurta badan lahaa.

Rasaasta oo aad u badneyd ayaa dadku waxa ay moodeen iska Hor imaad meesha ka bilowday oo deegaanka ku soo fool leh hayeesha 12-Caruurta ah ee ay dhashay Hooyada Saygeedu uu dilay oo cararay ayaa lagu yaqiinsaday dilka.

Adaan Cabdi Faarax oo kamid ah dadka deegaanka  Fiqu filiye ee Gobalka Sanaag ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdada,isagoo sheegay iney aad dadka deegaanka arintaan uga naxeen.

Ma ahan wax ku cusub dhegaha Shacabka Soomaaliyeed in nin uu dilo Xaaskiisa oo carruur badan u dhashay,waxayna noqotay dhacdo xanuun badan oo soo noq noqotay.