Xalay Muqdisho Maxaa Ka Jiray?

Inta u dhaxeysa waddooyinka Km5 ama Soobe iyo isgooyska Banaadir ee magaalada Muqdisho xalay waxaa ka jiray hawl gallo ay wadeen qaar kamid ah ciidanka NISA, waxaana ujeedkooda uu ahaa xal u helidda gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo halkaas la dhigay.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa goobta heystay, cid walba oo meesha ku sigata in ay martana waxa ay ogeysiinayeen in uu yaalo gaari Miineysan oo laga shakisan yahay.

Gaadiidka iyo dad waynahaba waa laga mamnuucay waddadaas intii uu hawl galka socday, ugu dambeyn xilli dambe oo xalay ayeey ciidankaas ka tageen agagaarka Hotel Diplomatic ee Muqdisho.

Hotelka agtiisa qaraxa lagu arkay ayaa ahaa midkii ay shalay ku shireen beesha Habar Gidir, balse ciidanka ayaa sheegay in gaarigaas ay weli baaritaan kuwadaan,