Waa Maxay Sababta Layaabka Leh Ee Ay Kaga Hadli Waayeen Siyaasiyiinta Beesha Saleebaan Xasuuqii Bariirre?

Beesha Saleebaan Habar Gidir ayaa shalay oo idil lagu jar jaray baraha bulshada, iyadoo lagu eedeynayo siyaasiyiintooda in aysan ka hadlin xasuuqii ka dhacay Bariirre.

Dhab ahaantii waxa ay ahayd dhacdo ay ku midoobeen beesha Habar Gidir, maadaama siyaasiyiinta beeshaas qaybaheeda kala duwan ay ka hadleen marka laga reebo beesha Saleebaan.

Haddaba Su’aasha iswayddiinta mudan ayaa ah “Maxaa Ku Dhacay Beesha Saleebaan” dadka siyaasadda Soomaalida fallanqeeya waxa ay aaminsan yihiin in siyaasiyiinta beesha Saleebaan ay ka aqoon badan yihiin kana xadaariyadsan yihiin kuwa kale ee beesha Habar Gidir.

Tusaale Siyaasiyiinta Saleebaan ee waxaa ugu magac wayn C/raxmaan Odaywaa oo horey Soomaaliya kaga soo noqday wasiirka arrimaha gudaha, kaas oo sidoo kale ahaa guddoomiyihii Jamaacadda Simad Soomaaliya.

In Qof aqoon noocaas ah ay kujirto uu ku qayliyo magac qabiil, ma ahayn mid wax badan looga fadhiyo shakhsi sida Odawaa oo kale ah.

Abshir Bukhaari, waa siyaasi dhallinyaro ah, kana mid ah siyaasiyiinta ugu wanaagsan dhanka ilbaxnimada, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay qof aqoontiisa ay dejisay, mana ahan qof ay u cuntanto ka hadalka waxyaabaha qaar ee aysan ka xishoon siyaasiyiinta qaar.

Ma lihin yaan loo doodin dadka aad madaxda u tahay, haddana sidoo kale ma aaminsanin umana riyaaqsanin sida ay siyaasiyiinta beesha ay wax u waddo, keliya waa in ay ahaadaan dadka la laayay dad Soomaali ah, magac qoys ama reer yaan la hubin,” ayuu yiri mid kamid ah siyaasiyiinta beesha Saleebaan oo diiday in magaciisa loo adeegsado saxaafadda.

Haddii aan soo koobno sababtay ay u diideen siyaasiyiinta Beesha Saleebaan in ay kaga hadlaan arrintii Bariirre waxa ay ahayd in ay yihiin aqoon yahanno aan u baahneyn in ay hoos u soo noqdaan.